Warbixin, sanad dugsiyeedka 2025-2026

WARBIXIN : Maamulaha Burhan Garasow ayaa ka hadlay xaalada waxbarashada halka uu marayo sanad dugsiyeedkaan 2025-2026

Maamulaha ayaa bogaadiyey dhammaan hawl wadeenada Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Dalsan kuwaasoo soo qabtay shaqooyin faro badan.

Maamulaha waxaa kale oo uu sheegay in La soo gebo gebeen doono dhammaan tartamada dugsiga ka socday sanad dugsiyeedka marka ay dhammaato bisha barakeesan ee Ramadaan haddii uu Alle idmo Waxaa ka mid ah Tartamada la soo gebo gebeen doono : Tartan aqooneedka fasalada dugsiga dhexe iyo sare ee gelin. Hore, tartan aqooneedka dugsiga dhexe iyo hoose ee gelin dambe , Tartanka kubadda cagta ee Dalsan league, tartanka xarig ka boodka gabdhaha, tartanka fuustalka ee wiilasha dugsiga hoose.

Maamulaha wuxuu ku wargelinayaa waalidiinta in ay soo dhowaatay waqtigii la qaadi lahaa imtixaanka qaranka ( The national Centralized Examination ) loogana baahan yahay inay u diyaar garoobaan ardayda fasalka 12aad ee dugsiga sare iyo ardayda fasalka 8aad ee dugsiga dhexe.

/Maamulka schoolka Dalsan Primary & Secondary

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *